Labnaan ayaa ku dhawaaqday 30 wasiir oo ka tirsan dowlad midnimo qaran

President Michel Aoun, ayaa waydiistay ra'iisalwasaare Sacad d Hariri Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxwayne Michel Aoun, ayaa waydiistay ra'iisalwasaare Sacad Hariri inuu sameeyo dowlad bishii November

Labnaan ayaa magacawday 30 wasiir oo cusub oo ka tirsan dowlad cusub oo midaysan oo uu hogaaminayo ra'iisalwasaare Sacad Hariri.

Mr Hariri ayaa sheegay in muhiimada wayn la saaraayo degenaanshaha iyadoo gobolka ay ka jiraan dagaalo.

Waxaa dowladda ka mid ah kooxda Xisbulah, laakiin xisbiga Christian Phalangist ayaa diiday qaybtii laga siiyay dowladda.

Wasiirada la magacaabay waxaa ka mid ah wasiirka ladagaalanka musuqmaasuqa iyo wasiirka arrimaha haweenka.

War uu soo saaray , Mr Hariri, 46, ayaa sheegay dowladda inay tallaabo ka qaadi doonto inay waddanka "ka ilaaliso waxyaabaha aan fiicnayn ee ka iman kara dagaalka Suuriya."

Michel Aoun oo loo doortay madaxweynaha Labnaan

Xoghayaha guud ee Golaha Wasiirada, Fouad Fleifel, ayaa sheegay in kulankoodii ugu horeeyay ay qabanayaan Arbacada.

Madaxweynaha Labnaan Michel Aoun, ayaa waydiistay Mr Hariri inuu sameeyo dowlad cusub bishii November.

Mr Hariri ayaa hogaaminaya siyaasiyiinta Sunniyiinta Muslimka, wuxuuna ahaa ra'iisalwasaare 2009 ilaa 2011.

Soo naqoshadiisa ayaa la filanayay iyadoo ka mid ahayd heshiis Mr Aoun, oo ah Kiristaan ahaan jiray taliye ciidan, in loo doorto madaxweyne.

Heshiiska ayaa dhameeyay wadahadal siyaasad oo socday 29 bilood, si waddanka loogu sameeyo dowlad.

Labnaan ayaa waxaa horyaalo howlo adag oo ay ka mid tahay dagaalka ka socda Suuriya, iyadoo la halgamaysa in kabadan malaayiin qaxooti ah ee waddanka imaaday.

Waxaa kaloo jira dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada daruuriga.

Labnaan ayaa qabanaysa doorasho baarlamaan bisha May ee sanadka danbe.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan