Safiirka Ruushka Andrei Karlov ayaa toogasho lagu dilay magaalada Ankara

Andrei Karlov Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Andrei Karlov ayaa booqanayay matxafka farshaxan ee Ankara

Safiirka Ruushka ee Turkiga, ayaa nin hubaysan uu ku toogtay magaalo madaxda Turkiga ee Ankara, isagoo booqanaya matxaf sawirro lagu soo bandhigay.

Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka, maalin kadib markii uu dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo faragalinta Ruushka ee dagaalka Shiinaha.

Sida uu sheegay TV Ruush ah, safiirka ayaa booqanayay madxaf lagu soo bandhigay sawirro oo la magac baxay "Ruushka sida ay u arkaan Turkiga".

Wararka ayaa sheegaya ninka hubaysan in boliiska ay dileen.

Video laga duubayay munaasabada ayaa muujinaya Mr Karlov oo jeedinaya qudbo markii ay xabada dhacaysay.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ninka weerarka qaaday ayaa ku qayliyay magaalada Xalab ee Suuriya
Lahaanshaha sawirka BURHAN OZBILICI
Image caption Dadka ayaa meel isugu tagay markii ay xabadaha dhaceen
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Boliiska ayaa sugay goobta weerarka kadib

Mowduucyada la xiriira