Gaari dad lagu dardarsiiyay suuq ku yaala Jarmalka

Suuq Chrismaska ee ku yaal meel u dhow kaniisada Kaiser Wilhelm Memorial ee Berlin Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Suuq Chrismas-ka ee ku yaal meel u dhow kaniisada Kaiser Wilhelm Memorial ee Berlin

Laba iyo toban qof qof ayaa ku dhintay ilaa konton kalena waa ay dhaawacmeen, kadib markii gaari wayn lagu dardarsiiyay dad jooga suuq Chrismas-ka ee magaalada Berlin, sida uu sheegay boliiska.

Boliiska ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin inuu ahaa weerar loogu tala galay.

Darawalkii gaariga ayaa la xiray sida ay sheegayaan warfaafinta qaar.

Video muujinaya goobta ayaa laga arkayaa dad dhaawac ah oo dhulka yaala iyo meelihii alaabada lagu iibinayay oo burburay.

Suuqa ayaa ku yaala Breitscheidplatz, oo u dhow kaniisada Kaiser Wilhelm ee Kurfuerstendamm ee galbeedka Berlin.

Wariye u soo warama Berliner Morgenpost, ayaa ku tilmaamay waxa uu arkay wax aad u xun.

Weerarka ayaa dadka soo xasuusiyay weerakii gaariga loo isticmaalay ee ka dhacay magaalada Nice ee Faransiiska, maalintii xornimada ee Bastille Day oo dadka ay u dabaaldagayeen 14 July.

Weerarka oo ay ku dhinteen 86 qof, waxaa sheegatay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Weerarka ayaa ka dhacay galbeedka Jarmalka

Mowduucyada la xiriira