Kaalin intee la eg ayey xildhibaannada Somaliland ka qaateen abaarta halkaa ka taagan?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kaalin intee la eg ayey xildhibaannada Somaliland ka qaateen abaarta halkaa ka taagan?

Xubnaha baarlamaanka Somaliland ayaa ka soo laabtay laba todobaad oo xildhibaankastaa uu ku tegay deegaankii laga soo doortay si ay usoo arkaan dhibaatada abaarta kulul ee ka jirta Somaliland siiba gobollada bariga.

Xubnaha baarllamaanka ayaa bil walba mushaharkooda ka gooyay qaddar lacag ah oo ay ugu deeqeen qaaraanka abaarta.

Weriyaha BBCda ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa haddaba kaalinta xildhibaanada baarlamaanka Somaliland ee abaarta ka wareystay gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha wakiilada, Baashe Maxamed Faarax, oo isagu gudoominaayay fadhiyadii golaha ee maalmahan danbe.