Madaxweyne Erdogan oo si kulul uga hadlay dilka safiirkii Ruushka u fadhiyay dalkiisa Turkiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweyne Erdogan oo si kulul uga hadlay dilka safiirkii Ruushka u fadhiyay dalkiisa Turkiga

Madaxweyne Putin ayaa ku tilmaamay dilkii loogaystay safiirkii dalkiisa u fadhiyay dalka Turkiga inuu ahaa tallaabo daandaansi ah oo lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo dadaalada nabadda ee Suuriya.

Andrey Karlov ayaa waxaa dilay askari boolis ah oo fasax ahaa xilli safiirku uu khudbad ka jeedinayay matxaf lagu soo bandhigayay sawirro.

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ayaa isna dilka safiirka ku tilmaamay inuu yahay weerrar lagu soo qaaday qarankiisa.

Haddaba khadka taleefanka ee Istanbul ayaannu kula xiriiray Bashiir Macalin Khaliif oo ah weriye madax bannaan oo deggan dalka Turkiga, waxa uu u warramay weriyaha BBCda Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.