Barrlamaanka Kenya oo maanta ka doodaya doorashada 2017

Barlamaanka Kenya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Barlamaanka Kenya

Isqabqabsi siyaasadeed oo u dhaxeeya xisbiga talada haya iyo mucaaradka dalka Kenya, ayaa gaaray halkii ugu sareeyay, kaddib markii qaar ka mid ah xilibaannada xisbiga madaxweyne Uhuru Kenyatta ay soo jeediyeen in wax laga badelo sharciga doorashada, kaas oo dhigaya in la isticmaali karo qaab macmal ah, hadii uu guul dareysto qalabka computer-ka ee loo isticmaalo doorashooyinka.

Arrintan ayaa lagu wadaa in maanta ay ka doodan xilibaannada barlamaanka ee dalka.

Xubnaha baaralamaanka ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay u codeyaan shuruudaha laga doonayo musharaxiinta , inkastoo barlamanka horay uu u meel mariyay in qasab ay tahay shakhsiga doonaya in uu u tartamo jago laga doonayo shahaado jamacadeed.

Balse qaar ka mid ah mudanayaasha barlamaanka ayaa doonaya in la hakiyo dhaqan gelinta sharcigan ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada guud oo ay inaga xigta 8 bilood oo kaliya.

Dhanka kale madaxa guddiga doorashada ee dalka Kenya Mr Ezra Chiloba oo horay u dajiyay jadwalka doorashada ayaa su'aal geliyay suuragalnimada in waqtiga haray lagu dhamestiri karo diyaargarowga guddiga doorashada, iyadoo ilaa iyo haatan ay qabyo tahay diyaarinta agabka codbixinta.