Madaxweynaha Gambia oo ku adkaystay inuu xukunka sii hayn doono

Madaxweynaha Gambia ia Yahya Jammeh Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Gambia ia Yahya Jammeh

Madaxweynaha muddada dheer ka talinyay dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa sheegay inuu iska caabin doono iskuday kasta oo waddamda gobolka ay ku doonayaan inay xukunka uga qaadaan.

Yaxya Jammeh ayaa doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday waxaa kaga adkaaday Adama Barrow.

Waxuu ku gacansayray dalabka hoggaamiyayaasha galbeedka Afrik ee ah inuu xilka ku wareejiyo Barrow.

Hogaamiyaha Gambia oo diiday natiijadii doorashada

Madaxwaynaha Gambia oo qirtay in laga guulaystay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Afrika maxay ka baran kartaa doorashadii Gambia

Wuxuu ku eedeeyay waddamada galbeedka Afrika inay jibinayaan xeerarka u yaalla ururuka ECOWAS oo dhigaya in aan faragelin lagu sameynin arrimaha daakhiliga ee dal kale.

ECOWAS ayaa horay u sheegtay inay Mr barrow u aqoonsan tahay inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee Gambia, islamrakaana ay qaadi doonto tallaabo kasta oo natiijada doorasahda madaxtinimda Gambia ay ku dhaqangeli karto.

Mr Jammeh ayaa markii hore qirtay in lagaga adkaaday doorashadii dhacday 1-da December, balse markii dambe wuxuu ku baaqay doorasho kale oo ay qabtaan waxa uu ugu yeeray "Guddi Doorasho oo fahansan cabsida Illaah".

Mr Jammeh ayaa sheegay in codbixinta ay saameysay "waxa isdabamarin"

Mr Barrow ayaa ku eedeeyay madaxweynaha talada haya inuu dimuqraadiyadda ku waxyeelaynayo diidmadiisa inuu aqbalo natiijada doorashada. Kooxdiisa ka shaqeynaysay la wareegidda xilka ayaa sheegay in madaxweynaha la doortay uu badqabo.

Natiijooyinka ayaa 5-tii Diseembar waxaa dib u eegis ku sameeyay guddiga doorashada ee dalka, markaa oo ay soo baxeen in sanaadiiqda codbixinta ee hal deegaan si khalad ah loogu daray codka Mr Barrow. Balse taasi waxba kama badelin guusha Mr Barrow.

Madaxwaynaha Gambia oo qirtay in laga guulaystay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Xaaladda Gambia maxay ku dambeyn kartaa?

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan