Ciidammada Suuriya oo mucaaradka ugu baaqay in ay Xalab isaga baxaan

Civilians and rebel fighters are being transported by bus to rebel-held areas west of Aleppo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shacabka iyo dagaalameyaasha

Ciidammada Suuriya ayaa ku baaqaya in askartii u dambaysay ee mucaaradka Suuriya ay isaga baxaan deegaannada ay ka joogaan bariga magaalada Xalab ee go'doonsan maadaama ay wali socoto daad gurayntu.

Waxaa lagu soo waramayaa in ciidammadu ay cod baahiyeyaal qaateen iyaga oo sheegay in ay aagaas gali doonaan Talaadadan.

Laakiin mid ka mid ah saraakiisha jabhaduha ayaa sheegay in dagaalamayaashu ay bixi doonaan marka ay wada baxaan dhamaan shacabka doonaya in la daad gureeyo.

Mucaaradka Suuriya oo "gubay" Basas

Erdogan oo difaacay duulaanka Suuriya

Hay'adda laanqayrta cas waxay sheegtay in la daad gureeyay 25,000 oo ruux tan iyo markii ay billaabatay xabadjoojinta ay ciidammadu jabiyeen todobaad ka hor.

Wali lama hubo tirada rasmiga ah ee doonaya in ay ka soo baxaan bariga magaalada Xalab.

Laakiin ergayga gaarka ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa Khamiistii sheegay in ay wali halkaas joogaan 40,000 oo shacab ah iyo 10,000 oo jabhado ah.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa qof ka tirsan millatariga Suuriya ka soo xigtay subixii Arbacada in ay ciidammadu doonayaan in ay galaan aagaas si ay u sifeeyaan marka ay dagaalamayaasha jabhaddu baxaan.

Mowduucyada la xiriira