Ninkii loo haystay weerarkii suuqa Berlin ayaa la soo daayay

Baabuur Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Baabuurkii weerarka lagu qaaday ayaa suuqa Breitscheidplatz ku dilay 12 qof isagoo dhaawacay 49

Qofka kaliya ee loo hayay weerarkii gaariga ee lagu qaaday suuq ku yaala Berlin, ayaa la soo daayay, sida uu sheegay dacwad oogaha.

Waxay sheegeen inaan la hayn cadayn ku filan si loogu qaado dacwad ninka, oo la sheegay inuu ka yimid Pakistan dhamaadkii sanadkii hore.

Ninka ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa weerarka. Waxaa lagu qabtay meel u dhow goobtii uu weerarka ka dhacay isagoo cararaya.

Jarmalka: 'Ma hubno qofka aan hayno inuu yahay kan weerarka gaystay'

Gaari dad lagu dardarsiiyay suuq ku yaala Jarmalka

Weerarka suuqa Breitscheidplatz ayaa waxaa ku dhintay 12 people qof 49 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Intaan ninka la soo dayn boliiska Jarmalka ayaa sheegay inaysan hubin inuu yahay ninka ay hayaan qofkii weerarka qaaday.

Ninka, oo la sheegay inuu jiro 23 sano, ayaa boliiska ay ogaayeen inuu galay danbi yar, laakiin ma ahayn danbi la xiriira argagixiso.

Ninka ayaa yimid Jarmalka 31 December sanadkii hore, isagoo waydiistay magangalyo uu walina sugayo codsigii.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan