Obama oo manuucay in shidaal laga qado Atlantic iyo Arctic

Waxaa jiro shirkado hadda ka howlgala badahaasi Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Waxaa jiro shirkado hadda ka howlgala badahaasi

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa mamnuucay in shidaal laga qodo badaha dalkaasi ee Atlantic iyo Arctic.

Tallaabadan oo qeyb ka ah ilaalinta bay'ada waxa ay ka mid tahay kuwa ugu dambeeya ee uu meel marinayo ka hor intuusan xafiiska baneynin bisha soo socota.

Obama ayaa go'aankaasi shaaciyay ka dib markuu la kulmay dhigiisa Canada.

Wuxuu tilmaamay in halis aan caadi ahayn oo ka dhalatay Saliidda ay saameysay dhammaan nawaaxigaasi.

Shiinaha: way naga go'an tahay wax ka qabashada cimilada

Shiinaha iyo Maraykanka oo meelmariyay heshiiskii cimilada ee Paris

Dalalka Canada iyo Mareykanka ayaa si xadidan uga wada shaqeyn doona heshiiska, sida uu sheegay Obama.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa adeegsanaya awoodda xeerka 1959-kii ee mamnuucidda.

Ninka isaga bedeli doono, Donald Trump, wuxuu u baahan yahay inuu maxkamad aado si uu u badalo go'aanka Obama.

'2016 ayay u badan tahay inuu noqdo sanadkii ugu kululaa'

Shirkado dhowr ah ayaa daneynaya inay shidaal ka qodaan badda, si ay uga faa'ideystaan qiimaha hoose ee batroolka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan