Hindiya oo ganaaxi doonta diyaaraddii hawada saxaro ka soo daadisa

Mararka qaar musqulaha diyaaaraddaha ayay wasakhi ka soo daadataa dhulka ayayna wasakhdaasi soo gaartaa Lahaanshaha sawirka .
Image caption Mararka qaar musqulaha diyaaaraddaha ayay wasakhi ka soo daadataa dhulka ayayna wasakhdaasi soo gaartaa

Shirkadaha diyaaradaha ee Hindiya ayaa lagu ganaaxi doonaa 50,000 oo rupees oo u dhiganta 736 doolar haddii ay musqulaha diyaaradahoodu saxaro ka soo daadato inta ay hawada ku jiraan sida ay maxkamad xukuntay.

Dadka dacwadan maxkamada geeyay ayaa sheegay in diyaaraduhu ay saxaro ku daadiyaan goobaha la dagan yahay ee ka agdhaw garoonka diyaaradaha ee madaalada Delhi.

Sawirro arooskii ugu qaalisanaa Hindiya ee sanadka oo dhamaaday

Shiinaha oo soo bandhigay diyaarad casri ah

Musqulaha diyaaradaha ayaa saxarada ku kaydiyo meelo si gaar ah loogu nidaamiyay.

Caadiyanna waxaa la soo daadiyaa marka ay diyaaraddu dagto, laakiin laamaha duulimaadyada caalamiga ah ayaa qirtay in mararka qaar ayay ciladi gali karto musqusha ayna sidaas wasakhdu uga soo daadan karto diyaaradda oo wali duulimaad ku jirta.

Maxkamadan Hindiya ku taalla ayaa hadda amartay in hay'adda duulimaadku ay xaqiijiso in diyaaraduhu aysan saxaro daadinin iyaga oo hawada ku jirta ama sii dagaya ama aysan xataa ku soo daaadinin meelaha garoomada ka ag dhaw.