"Bariis caag ka sameysan" oo lagu qabtay dalka Nigeria

"Bariiska caagga ah" wuxuu u egyahay mid run ah.
Image caption "Bariiska caagga ah" wuxuu u egyahay mid run ah.

Nigeria waxay la wareegtay 2.5tan oo "bariis caag ah" oo dalkaasi si qarsoodi ah lagu geliyay, waxaana laga keenay Shiinaha, sida saraakiisha dowladda dalkaasi ay sheegayaan.

Waxaa arrintaasi lagu eedeeyay dad lagu tilmaamay damiir laawayaal, ganacsato, sida laanta adeegyada macaamiisha ee dalkaasi ay sheegtay.

Madaxa laanta sharciyeynta alaabta dalkaasi la geliyono ee Lagos, Haruna Mamudu wuxuu sheegay in la doonayay in bariiskaasi been abuurka ah lagu iibiyo suuqyada xilliga dabaaldegga.

Wuxuu sheegay in bariiskan marka lakariyo uu dhegdheg yeelanayo, "Alle oo keli ah ayaa og yahay waxa dhici lahaa" haddii shacabka ay cuni lahaayeen.

Cudurka dabaysha oo lagu arkay Nigeria

Madaxweynaha Nigeria oo xaaskiisa ay u digtay

Bariis sidan oo kale ah oo caag ka sameysan ayaa sanadkii hore lagu qabtay dalka Shiinaha.

Bariiska waa mid ka mid ah cuntooyiinka sida weyn looga cuno dalkaasi Nigeria iyo inta badan qaaradda Afrika.

Dowladda Nigeria ayaa shaybaar u dirtay bariiska si loo ogaado caagga rasmiga ah ee laga sameeyay.

Waxay sidoo kale shacabka uga digayaan inaysan iska iibsan cuntooyiinka, maadaama halis ay gelin karaan nolosha.

Fadeexadda "Raashiin been abuur ah" ayaa aad ugu yar Nigeria, marka la barbardhigo dalalka kale sida Shiinaha.

Haween iyo carruur lagu afduubtay Nigeria

Gabadh 25 jir ah oo madax ka noqotay magaalada Argungu ee dalka Nigeria

Fadeexadda ugu weyn ee Niegria waxay tahay daawo been ah, taas oo dad badan ay sanad kastaa u dhintaan.

Image caption Jawaanada uu ku jiro bariiska caagga ah

Sidoo kale dowladda Nigeria waxay weli baareysaa, haddii uu jiro bariiskan caagga ah in shacab laga iibiyay.

Mr Mamudu muusan sharixin sida loo sameeyay bariiskan, balse waxaa lagu tilmaamay "inuu yahay bariiska ugu wanaagsan ee Yaanyo lagu kariyo", markii ay xayeysiinayeen ganacsatada sameysay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan