Maxay tahay sababta beesha caalamka u doonayaan isla xisaabtan doorashada Soomaaliya ah?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay tahay sababta beesha caalamka u doonayaan isla xisaabtan doorashada Soomaaliya ah?

Beesha caalamka ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha madasha ee Soomaaliya inay ilaaliyaan isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo sharci ahaanta hannaanka doorashada.

Waxay guddiga madaxa bannaan ee xallinta khilaafaadka doorashada ka codsadeen inuu sharaxaad ka bixiyo sida 24 kursi oo baaritaan uu ku socday loogu koobay 11 kursi.

Waxay guddiga u sheegeen inay masuuliyad ka saarantahay inay shaaciyaan sababaha iyo farsamada la adeegsaday markii qaarna laga saarayay kuwa kalena lagu soo darayay diiwaanka kuraasta la doonayo in dib loogu noqdo.

Doorashada Soomaaliya oo dib loo dhigay

QM: Siyaasiyiin ayaa faragelinayso hanaanka doorashada Soomaaliya

Hadaba, maxaa micnaha oo uu leeyahay hadalkan beesha caalamka ka soo baxay?

Dr Ibraahim Farax Bursaliid ayaa Axmed Xaji Xasan uu ka wareystay arrimahaasi.

Mowduucyada la xiriira