Japan: 44 bilyan oo doolar ayaan u adeegsan doonaa gaashaandhigga

Shinzo Abe Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Shinzo Abe

Ra'iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sixiixay miisaaniyaddii ugu badnayd abid ee dhanka gaashaandhigga loo adeegsanayo, iyadoo ay jiraan muranka dhanka xadka ah ee Shiinaha kala dhexeeya iyo halista kale ee Nukliyeerka iyo gantaallada Kuuriyada Waqooyi.

Kharashaadk loo adeegsanayo diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ee quusa ayaa qayb ka ah kordhinta lagu samaynayo miisaaniyadda.

Miisaaniyadda gaashaandhigga loo kordhiyay ayaa ah 1.4 taas oo ka dhigaysa 43.6 bilyan oo doolar.

Ra'iisul wasaaraha Japan oo Trump la kulmay

Japan oo Shiinaha oo isku haya dhul

Miisaaniyadda ku baxda ilaalada xeebaha ayaa si gaar ah iyadana loo kordhin doonaa.

Miisaaniyadan in ay dhaqan gasho waxay wali ansixin uga baahan tahay baarlaamnka, haddii ay meelmariyaanna waxay noqon doontaa markii shanaad ee xiriir ah.