Baarlamaanka Kenya oo gacmaha isula tagay

BBC

Baarlamaanka Kenya ayaa mariyay isbaddelo lagu sameeyay sharciga doorashada Kenya, kaas oo u oggolaanaya guddiga doorashada inay aqoonsiga iyo tirinta codadka gacan loo adeegsado, haddii tiknoolajiyadda ay guul darreysato.

Markii hore sharciga ayaa oggolaanayay in qalab tiknoolajiyadeed oo kali ah loo adeegsado arrimahaasi.

Ka hor intaan la ansixin isbaddelada sharcigan, mucaaradka ayaa ka baxay aqalka baarlamaanka , iyagoo sheegay in mudanayaasha xisbiga talada haya ay adeegsadeen feer iyo hub si ay u hubiyaan in sharciyadan la ansixiyo.

Mucaaradka ayaa hadda aaday maxkmadda si ay isugu dayaan joojinta dhaqangelinta sharcigan cusub.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Xildhibaan dalbaday in xoola dhaqatada Kenya suuq loo raadiyo

Kenya oo tarxiishay afhayeenka Riek Machar

Kenya oo dhoofin doonta shidaal

Mucaaradku wuxuu ku doodayaa in gacan ku tirinta codadka ay horseedi karto in xisbiga talada haya uu ku shubto doorashada.

Ciidammo hubeysan ayaa la dhigay dibadda hore ee baarlamaanka oo Arbacadii ay xildhibaanada isku feereen.

Boqolaal qof ayaa ku dhimatay muran ka dhashay natiijadii doorashada madaxtinnimada Kenya ee sanaddii 2007.