Warbixin cusub ayaa sheegtay in Facebook uusan u fiicnayn caafimaadka

  • 22 Disembar 2016
Qof fiirinaya mobile Lahaanshaha sawirka iStock
Image caption Inaad waqti badan fiirisid barta bulshada ayaa keeni karata inay hoos u dhacdo farxadaada l

Inaad waqti badan aad ku jirtid baraha bulshada ayaa waxay kuu keeni kartaa masayr iyo inaad ku faraxsanaan waydo noloshaada, ayay sheegtay daraasaad cusub.

Daraasaada ay samaysay Jaamacada Copenhagen ayaa sheegaysa in isticmaalka barta bulshada ay keenayso dareen masayr.

Waxay gaar ahaan ka digtay dhibka ka imanaya fiirinta barta bulshada oo aan lahayn xiriirka.

Daraasaadka ayaa ku talinaya in laga nasto barta bulshada.

Daraasada oo ay ka qayb qaateen 1,000 qof oo u badan dumar, ayaa sheegtay in "isticmaalka badan ee barta bulshada sida Facebook ay kuu keenayso dhib caafimaadkaaga maskaxda iyo sida aad ugu faraxsan tahay noloshaada".

Warbixin ka hadlaysa farxadda oo la soo saaray

'Nolol qiyaali ah oo la isbarbardhigayo'

Baarayaasha ayaa ka digay masayr iyo farxada oo yaraata markii aad fiirinaysid dadka kale sheekooyinkooda barta bulshada, oo ay keento " nolol qiyaali oo la isbarbardhigayo."

Inaad dadka xiriir la samaysid oo aad kula hadashid barta bulshada ayaa wanaagsan, ayay sheegtay daraasada oo lagu daabacay joornaalka Cyberpsychology.

Si kale oo loo wanaajin karo caafimaadka maskaxda, waa in la joojijiyo isticmaalka barta bulshada hal toddobaad, ayay sheegtay warbixinta.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan