Daacish oo sheegatay inay "gubtay" laba askeri oo Turki ah

Turkiga ayaa dagaal kula jiro daacish Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Turkiga ayaa dagaal kula jiro daacish

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa soo saaray muuqaalka laba qof oo ay ku sheegeen inay yihiin ciidmo Turki ah oo nolosha lagu gubay.

Waxay sheegayaan in labada askeri ay dagaal ku qabsadeen.

Muuqaalkan ayaa weli la cadeyn, sidoo kale ma jiro hadal rasmi ah oo ka soo baxay Turkiga.

Ciidamada dalka Turkiga waxay dagaal culus kula jiraan dagaalyahannada daacish ee ku sugan nawaaxiga Al-Bab oo ku dhow xuduudda Suuriya iyo Turki.

Ciidamo Turki ah oo lagu dilay Suuriya

Turkiga iyo US oo "duulaan ku ah" Raqa

Ujeedada xukuumadda Ankara waxay tahay in daacish ay ka sifeyso nawaaxiga xuduuddeeda.

Arbacadii 16 askeri ayaa Turkiga looga dilay dagaalka Al-Bab.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha Suuriya waxay sheegayaan in 50 shacab ah ay ku dhinteen duqeynta Turkiga uu ka geysanayo nawaaxiga Al-Bab.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan