Golaha amniga ee UN oo dalbaday in la joojiyo deegaameynta Israa'iil

  • 24 Disembar 2016
Qaraarka qabyada ah wuxuu ku baaqayaa in dhismayaasha hadda ka socdo Daanta Galbeed iyo Qudus la joojiyo. Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qaraarka qabyada ah wuxuu ku baaqayaa in dhismayaasha hadda ka socdo Daanta Galbeed iyo Qudus la joojiyo.

Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa wuxuu meel mariyay qaraar ku baaqaya in la joojiyo deegaameynta sharcidarada ah ee Israa;iil ay ka wado dhulka Falastiin.

Codeynta ayaa dhacday ka dib markii Mareykanka uu diiday inuu u adeegsado codka qayaxan ee Veto.

Qabyo qoraalka oo ay soo diyaarisay Masar ayaa dib loo celiyay ka dib markii Donald Trump uu sidaasi codsaday.

Balse, Dalal ay ka mid yihiin, Malaysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela ayaa diiday oo markale gudbiyay qoraalka.

Mareykanka ayaa horey loogu garanayay inuu is hortaago in UN ay cambaareyso Israa'iil.

Saraakiisha Israa'iil ayaa codeynta ka dib waxay cambaareeyeen sida Mareykanka uu u dhaqmay.

Wasiirka Tamarta ee Israa'iil, Yuval Steinitz wuxuu sheegay: "Kani maahan qabyo qoraal ku saabsan deegaameynta ee waa qaraar ka dhan ah Israa'iil, waa mid ka dhan ah dadka Yahuuda, iyo dalkooda".

"Mareykanka caawa wuxuu si fudud ku waayay saaxiibkiisa ugu weyn ee Bariga dhexe." ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo la dhaarindoono 20-ka bisha soo socota, ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray war ka dib codeynta.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Donald Trump ayaa aad u taageera Israa'iil

"Sida Qaramada Midoobeey, arrimaha way isbedeli doonaan ka dib 20-ka bisha January". ayuu yiri Trump.

Arrinta dejinta dadka Yahuudda ah, dhulka Falastiin waa xaaladda ugu xun ee labada dhinac hadda u dhexeyso, taas oo loo arko inay caqabad ku tahay wadahadallada nabadda.

Qiyaastii 500,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa deggan 140 deegaan oo laga dhisay dhulka Falastiin, tan iyo sanadkii 1967-dii oo Israa'iil ay qabsatay Daanta Galbeed ee Qudus.

Deegaanadaasi ayaa loo arkaa sharcidaro, marka la eego xeerka caalamiga ah, balse Israa'iil ayaa diiday.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin, Maxamud Cabbaas ayaa soo dhoweeyay tallaabada oo ay u codeeyeen 14 dal oo ka mid ah 15-ka waddan ee Golaha amniga ee UN xubnaha ka ah.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan