Jarmalka oo baaraya "shabakadda" uu xiriirka la lahaa Anis Camri

Anis Camri ayaa la sheegay in lagu dilay Taliyaaniga Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Anis Camri ayaa la sheegay in lagu dilay Taliyaaniga

Baarayaasha dalka Jarmalka ayaa billaabay baaritaan ay ku sameynayaan in Anis Camri uu lahaa shabakad taageersan falkii uu sameeyay.

Ninkaasi oo lagu toogtay dalka Taliyaaniga ayaa weerar gaari uu u adeegsaday ku qaaday suuq ku yaalla Berlin Wuxuu u dhashay dalka Tunisia.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo:Gaari dad lagu dardarsiiyay suuq ku yaala Jarmalka

Saraakiisha dalkaasi waxay sidoo kale baarayaal sida Anis Camri uu uga baxsaday in la musaafuriyo.

Jarmalka oo indhashareerka laga mamnuucayo

Jarmalka oo dardar galiyay baadigoobka dadkii weerarka gaystay

Waxaa kaloo la eegayaa sababta laamaha amniga ay u joojiyeen baaritaankii ay ku hayeen, maadaama looga shakiyay inuu xiriir la lahaa "islaamiyiin xagjir lagu tilmaamay.

Inakstoo aad loo baadi goobayay, Anis Camri, wuxuu awood u yeeshay inuu Yurub ku dhex safro ka hor intaan lagu toogan Milan, Jimcihii.

Hogaamiyaha dalka Jarmalka, Angela Merkel, waxay sheegtay in dowladda ay sare u qaadeyso amniga ka dib weerarkaasi 12 ka qof ay ku dhinteen.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan