Mareykanka oo ka digay in loo safro Urdun

Ammaanka ayaa la adkeeyay deegaanada Karak ee dalka Urdun tan iyo weerraradii ay Axaddii dadka badan ku dhinteen Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ammaanka ayaa la adkeeyay deegaanada Karak ee dalka Urdun tan iyo weerraradii ay Axaddii dadka badan ku dhinteen

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa waxa ay soo saartay digniin dhanka safarka ah oo saameynaysa dalka Urdun oo dhan, sababtuna waxa ay ku sheegtay "khatar ka iman karta kooxaha argagixisada" kaddib weerraradii ay dhawaantan dadka badan ku dhinteen.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah iyo kuwa gacansaarka la leh ay dalkaasi "kasii wadayaan inay weerraro ka gaystaan".

In ka badan 10 qof, oo uu ka mid ahaa dalxiise u dhashay dalka Canada, ayaa lagu dilay weerraro tan iyo todobaadkii hore ka dhacayay dalka Urdun.

Wasaaradda ayaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalka Masar uga digtay khatar noocaasi oo kale ah, kaddib weerraro xiriir ah oo halkaasi ka dhacay.

Waxa ay kula talisay in aanay u safrin gacanka Siinay iyo gobollada galbeedka.

Mareykanka ayaa Urdun u arka mid dowr muhiim ah ka ciyaaraya dagaalka lagaga soo horjeedo dagaalyahanada Daacish.