Mucaaradka degmada Atareb, Suuriya, oo la duqeeyay

Atareb oo ku dhow Xalab ayaa muddo nabad ahayd Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Atareb oo ku dhow Xalab ayaa muddo nabad ahayd

Koox kor kala socoto xaaladaha dalka Suuriya ayaa sheegeysa in la duqeeyay magaalada Atareb ee dalkaasi.

Magaaladan la weeraray waxay dhanka galbeedka ka xigtaa Xalab, waxaana maamulo mucaaradka.

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Suuriya waxay sheegtay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen duqeynta.

Xalab oo gacanta ugu gashay dowladda Suuriya

Xalab oo dadkii ugu horeeyay laga saaray

Sidoo kale degmooyiin ku hareereysan Xalab ayaa la duqeeyay.

Mucaaradka ayaa looga guuleystay dagaalkii Xalab, balse weli waxay maamulaan magaalooyiinka ku hareereysan.

Sidoo kale mucaaradka weli waxay gacanta ku hayaan gobolka Idlib.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan