DAAWO: Dhulka UN ay amartay in la joojiyo dhismaha ka socda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

DAAWO: Dhulka UN ay amartay in la joojiyo dhismaha ka socdo

Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu ku amray wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil inay bilk u soo afjarta qeemeynta ku saabsan xiriirkooda Qaramada Midoobeey.

Waxaa ka mid ah qeybaha ay qiimeynta ku sameynayaan dhaqaalaha ay Israa’iil siiso UN iyo joogitaanka wakiillada UN ee Israa’iil.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil wuxuu hadalkaasi sheegay maalin ka dib markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobeey uu meel mariyay qaraar ka dhan ah guryaha laga dhisayo dhulka Falastiin.

Qaraarka wuxuu dalbanayaa in la joojiyo deegaameynta iyo dhismayaasha Israa’iil ay ka wado Qudus iyo Daanta-Galbeed.