Tirada xubanaha aqalka sare oo la kordhiyey

Lahaanshaha sawirka SONNNA
Image caption Hogamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran

War murtiyeed ka soo baxay shirkii Hogaamiyayaasha Madasha Qaran ee ka socday magaalada Muqdisho dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay ayaa lagu kordhiyay 18 kursi aqalka sare oo markii hore ka koobnaa 54 kursi, kadib muran dheer oo mudaba soo jiitamayay oo ku aadanaa sida gobollada loogu qaybiyay saamiga kuraasta aqalka sare.

Sideed iyo tobanka kursi ee dheeraadka ah ee lagu daray aqalka sare ayaa ka dhigan in la gaarsiiyey tirada 72 kursi ayaa maamuladda Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle, Gal-Mudug, Puntland & Gobolada waqooyi waxaa loogu qaybiyey si siman iyadoo mid kastaa tiradii uu haystay loogu daray sadex kursi.

Arinta kale ee la soo calaamadeeyey ee aan horay ugu jirin habkii lagu soo xulayey xubnaha aqalka sare ayaa ahayd in madaxweynayaasha gobollada iyagu ay soo magacaabayaan xubnaha sadexda ah ee ku soo aadaya, halka goboladda waqooyi uu soo qorayo Ra'isalwasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Maxamed Cumar Carte.

Halkan ka dhagayso warbixinta wariyaha BBC ee magaalada Muqdisho

Xubnaha 43 ah ee hadda aqalka sare ka mid ah ayaa ku yimid codeyn ay sameeyeen Baarlamaanadda gobolada oo kursigiiba ay u tartameen dhawr musharax.

Hadiiba ay dhacdo in xubnaha 18-ka ah ay ku yimaadaan magacaabista madaxda Soomaalida taasi waxay ka dhigan tahay golle xubnaha xildhibaanadda ka ah ay ku yimaadeen habab kala duwan oo ma noqon doonaan xildhibaanno isku si k yimid.

Arrinta kale ee hoosta laga xariiqi karo waxay tahay iyadoo la yiri "Ra'isalwasaare kuxigeenku marka uu soo magacaabayo xubnaha lagu kordhiyey goboladda waqooyi wuxuu la tashi sameynayaa odayaasha dhaqanka ee beelaha Samaroon, Ciise & Fiqishini" tiiyoo madaxda kale ee soo magacaabaya xubnaha dheeraadka ah ee gobollada kale aan lagu cadeyn beelo ay la tashanayaan.

Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale godoomiyeen in kuraasta muranka gashay oo gudiga xalifta khilaafaadka hakiyeen uu isla guddigan dib u eegis ku samaynayo, iyadoo "gundhig iyo qadarin" looga dhigayo macluumaadkii dheeriga ahaa ee ku soo ifbaxay 'xog isdhaafsigii iyo xog-isu-warankii' dhexmaray xubnaha gudiga iyo xubnaha madasha, iyo in dhammaan musharixiintii gudiyahada doorashooyinkii ka hakiyeen ka qayb galida doorashooyinka laga cafiyey hakinta lagu sameeyey iyo ka qayb galiddooda lagu sameeyey doorashooyinka iyo gudiyadda doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafka ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah u soo dhamaystiraan hawlaha doorashooyinka dhiman.