Todobo ruux oo ku dhimatay dagaal dhexmaray askarta Soomaaliya

Sawir hore oo laga qaaday ciidammada Soomaaliya Lahaanshaha sawirka .
Image caption Sawir hore oo laga qaaday ciidammada Soomaaliya

Ugu yaraan todobo qof oo isugu jira askar iyo rayid ayaa xalay ku dhintay iska hor'imaad ciidammo kawada tirsan dawladda Soomaaliya ku dhexmaray agagaaraha deegaanka Xawaadley ee duleedka degmaa Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka, waxa sidoo kale iska hor'imaadkaasi ku dhaawacmay kow iyo toban qof oo isugu jira askartii dagaalku dhexmaray iyo dad rayid ah.

Lama oga sababta dhabta ah ee dhalisay dagaalkan balse xiisadiisa ayaa laga dareemayay deegaanka labadii maalmood ee ugu danbeysay.

Xooga dalka Soomaaliya ma jabin karaan Alshabaab?

Xusuusta maanta oo kale 1992: marines-ka Mareykanka ayaa ka degay Soomaaliya

Dhinaca kale askari ka tirsan ciidanka canshuuraha ee dawladda hoose ee Muqdisho ayaa labo qof oo rayida ku dilay saaka suuqa degmada Wadajir.

Askarigan ayaa dhaawacay qof kale kahor inta aanu goobta ka baxsan sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Ciidanka Booliska ayaa ku raad jooga askariga dilka gaystay sida ay sheegeen saraakiisha boolisku.