22 qof oo rayid ah oo lagu dilay waqooyiga Kongo

Reuters Lahaanshaha sawirka Reuters

Mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ayaa sheegay in dabley hubeysan ay 22 qof ku dileen gobolka waqooyiga Kivu.

Weerrarkaasi ayaa Sabtidii ka dhacay meel u dhaw magaalada Beni. Mas'uuliyiinta Kongo waxay ku edeeyeenf allaago Uganda u dhalatay oo lagu magacaabo the Allied Democratic Forces inay ka dambeeyeen weerarkaasi.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in qaar ka mid ah ciidammada Koongo ay weerrarkaasi ku lug lahaayeen.

Tirada dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa laga yaaba inay sii koroto iyadoo maydad badan la aaminsan yahay inay ku jiraan keymaha.

Labadii sano ee la soo dhaafay Beni iyo agagaarkeeda waxaa lagu gumaaday boqolaal qof oo rayid ah.