Baroor diiq ka billaabatay Ruushka

Waxaa badda madow ka socda dadaallo lagu baadigoobaya maydadka dadkii saaranaa diyaardaasi. Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Waxaa badda madow ka socda dadaallo lagu baadigoobaya maydadka dadkii saaranaa diyaardaasi.

Wadanka Ruushka ayaa waxaa maanta ka billaabatay baroor diiq qaran oo lagu xusayo 92-dii qof ee dhintay ee isugu jiray rakaabka iyo howlwadeenada diyaaradii milateriga ee Axaddii ku dhacday Badda Madow xilli ay ku sii jeedday waddanka Suuriya.

Ruushka ayaa sheegaya in la soo saaray maydadka 10 qof oo ka mid ahaa dadkii ay diyaaraddu la dhacday.

Wasiirka gaadiidka ee dalka Ruushka, Maxim Sokolov, ayaa sheegay in khalad uu sameeyaay duuliyaha iyo cilad dhinaca farsadmaa ah oo ku timid diyaaradda ay sababa u ahaayeen burburka.

Diyaarad ciidan oo Ruushku leeyahay oo siday 92 qof oo burburtay

Waxaa Badda Madow ka socdo dadaallo lagu baadigoobaya maydadka dadkii saaranaa diyaardaasi.

Lahaanshaha sawirka EPA

Diyaarddan ayaa burburtay wax yar uun ka dib markii ay ka duushay magaalo xeebeedka Sochi ee dalka Ruushka.

Wasaaradda difaaca waxay sheegtay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Tu-154 ay siday kooxda ugu sarreysa Muustikada ee ciidammadda Ruushka ee lagu magacaabo Alexandrov iyo wariyeyaaal.

Diyaaradii laga afduubay Liibiya oo laga dajiyay Malta

Diyaarad Pakistan leedahay oo dhacday

Shiinaha oo soo bandhigay diyaarad casri ah

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan