Ugu yaraan 11 qof oo lagu dilay Chicago

2016 wuxuu ahaa sannadkii ugu dhimashada badnaa Chicago
Image caption 2016 wuxuu ahaa sannadkii ugu dhimashada badnaa Chicago

Booliska magaalada Maraykanka ku taalla ee Chicago ayaa sheegay in ugu yaraan 11 qof toogasho lagu dilay maalintii ciidda masiixiyiinta ee Kirismaska iyo maalintii ka horraysay.

In ka badan 30 kale ayey dhaawacyo ka soo gaareen rabshado rasaas loo adeegsaday, kuwaasoo ay boolisku la xiriiriyeen kooxo iska soo hor jeeda oo burcad ah.

Toogashooyinka ayaa ka dhigaya tirada guud ee 2016 lagu dilay Chicago 750 qof, taasoo sannadkan sii dhamaanaya ka dhigaysa kii ugu dhimashada badnaa magaaladaas muddo ku dhow 20 sano.