Maamulka gob. Banaadir oo ka cabanaya in laga qadiyey kuraasta dheeraadka ah ee aqalka sare
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulka gob. Banaadir oo ka cabanaya in laga qadiyey kuraasta dheeraadka ah ee aqalka sare

Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay cabasho ka muujiyay go'aankii ka soo baxay shirkii hogaamiyayaasha Madasha ee dhawaantan lagu go'aamiyey in 18 kursi lagu daro aqalka sare ee baarlamaanka oo markii hore ka koobnaa 54 kursi.

Go'aankaas ayaanan lagu sheegin wax xubno ah oo la siin doono gobolka Banaadir.

Haddaba cabashada ay qabaan maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaannu ka wareysannay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo u warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo marka hore waydiiyay waxa ay ka cabanayaan.