Kuuba oo meelmarisay in aan la waynaynin Fidel Castro

Fidel Castro Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Fidel Castro

Baarlamaanka Kuuba ayaa cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay sharci mamnuuc ka dhigaya in dhismeyaal, wadooyin amaba taalooyin loogu magacdaro madaxwaynihii hore ee dalkaas Fidel Castro oo dgeeriyooday bishii hore.

Madaxwaynaha Kuuba Raul Castro ayaa sheegay in walaalkii uu ka soo horjeeday in aad loo wayneeyo ama aad loo maamuuso uuna horay u sii codsaday in arrintaas baarlamaanka la horgeey si ay sharci uga dhigaan.

Fidel Castro ayaa hogaamiyay kacdoonkii Kuuba ee sanadkii 1959-kii.

Wuxuuna markii dambe qaatay nidaamka Shuuciga oo jasiiraddaas ka jiray ku dhawaad konton sano.