Japan oo ka tacsiyeeyay 2,400 Maraykan ah oo uu horay u dilay

Abe iyo Obama ayaa noqday labadii hogaamiye ee ugu horreeyay ee saldhigaas booqda Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Abe iyo Obama ayaa noqday labadii hogaamiye ee ugu horreeyay ee saldhigaas booqda

Ra'iisul wasaaraha dalka Japan ayaa booqday saldhiga ciidammadda badda ee Pearl Harbor ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka jeediyay "tacsi laabta ka soo go'day" oo ku aadan dadkii Maraykanka ahaa ee ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii uu Japan qaaday 75 sano ka hor.

Wuxuu sheegay in dadkiisu ay wacad ku mareen in aan dib loogu noqonin masiibadii dagaalka.

Japan oo Shiinaha oo isku haya dhul

Japan oo dhisaysa kombuterkii ugu waynaa adduunka

Bilada Nobel ee daawada ee 2016 oo la siiyay Yoshinori Ohsumi

Rai'iisul wasaare Abe waxaa ku weheliyay booqashadaas madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama taas oo ka dhigan in markii u horaysay ay booqdaan labada masuul ee dalalkaas.

Japan ayaa waxyeelo baaxad wayn gaarsiisay saldhigaas isaga oo dilay in kabadan 2,400 oo ruux oo Maraykan ah.

'Isbahaysiga rajada'

Ra'iisul wasaraaha Japan ayaa Maraykanka ku ammaanay dadaalka uu galiyay sidii uu u hagaajin lahaa calaaqaadka uu Japan la leeyahay ka dib dagaalkii ay labada dal galeen oo dhamaaday waxyar uun ka dib markii uu Maraykanku ku riday Japan qunbulado nukliyeer ah bishii sideedaad ee sanadkii 1945-tii.

Isbahaysiga ay labada dal yeesheenna waxa uu ku tilmaamay "isbahaysiga rajada".