Netanyahu oo hakiyay qorshe cod loogu qaadi lahaa deegaamaynta bariga Qudus

Qudus

Guddi ka tirsan dawladda hoose ee Qudus ayaa dib u dhigay qorshe uu cod ugu qaadi lahaa in dad reer Israaa'iil ah ay 500 oo guri ka dhistaan bariga magaaladaas.

Arrintan ayaa imanaysa maalmo uun ka dib markii Gollaha Ammaanku uu dalbaday in la hakiyo deegaamaynta ay Israa'iil ka wado dhulka la haysto ee Falastiin.

Israa'iil oo amartay "jaridda xiriirka UN"

Trump oo danjire ka dhigay nin taageersan haysashada dhulka Falastiiniyiinta

Israa'iil: Masuul hay'ad ayaa Xamaas lacag siiyay

Xubin ka tirsan guddigaas ayaa BBC-da u sheegay in kulankaas loo joojiyay codsi ka yimid xafiiska Ra'iisalwasaare Benjamin Netanyahu, si looga gaabsado in uu sii murgo calaaqaadka ay Maraykanka la leeyihiin.

Arrintan ayaa sidoo kale ku soo aaday ka hor khudbad lagu wado in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry uu kaga hadlo qalaalasaha ka dhex taagan Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.