Nin loo xiray weerarkii Berlin

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption 12 qof ayaa weerarka ku dhintay

Nin 40 jir ah oo u dhashay Tuuniisiya ayaa lagu xiray Berlin, ayadoo lala xiriirinayo weerarkii todobaadkii hore ka dhacay suuq magaaladaas ku yaalla sida ay sheegeen dacwad oogayaal Jarmal ah.

Waxay sheegeen in lambarka telefoonkiisa laga helay telefoonkii Anis Amri, oo 12 qof ku dilay gaari xamuul.

Warbaahinta ayaa ku warramaysa in boolisku u dhacay guriga iyo halkii uu ka shaqaynayey ninkan oo ku taalla xaafadda Tempelhof ee Berlin.

Jimcihii ayaa askar boolis ah waxay Amri ku dileen Milano, ka dib markii ninkaas 24 jirka ahaa uu rasaas ku riday askarta oo uu mid ka dhaawacay.

Saraakiil ayaa sheegay, sida ay warbaahinta Jarmalku ku warramayso, in laga yaabo in hanaanka bareegga iskii isku maamula ee gaariga uu badbaadiyey dad kale oo weerarka ku dhiman lahaa.

Hanaankan ayaa gaariga bareeg u qabta marka uu jug dareemo, waxaana dhici karta ayaa la leeyahay inuu weerarka soo gaabiyey.