Putin oo sheegay inuu sugayo maamulka Trump ka hor intuusan go'aan qaadan

Waxaa la eryey shaqaalihii ku sugnaa safaaradda Ruushka ee Washington Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waxaa la eryey shaqaalihii ku sugnaa safaaradda Ruushka ee Washington

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in uusan musaafurin doonin diblumaasiyiinta Mareykanka.

Mr Putin wuxuu sheegay inuu sugaayo illaa Donald Trump uu xilka kala wareegaayo bisha January, ka hor inteysan go'aan gaarin.

Wuxuu xaqiijiyay in caruurta diblumaasiyiinta Mareykanka lagu casuumaayo aqalka Kremlin-ka oo dabaadegga sanadka cusub ay kaga qeybgali doonaan.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa horey ugu baaqday in dalka Ruushka laga eryo 35 diblmoaasiyiin u dhalatay Mareykanka taas oo jawaab u ah tallaabo taa la mid ah oo ay Washington qaaday shalay.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in dalbkaasi uu u gudbiyay madaxweyne Vladimir Putin.

Madaxweyne Obama ayaa amar ku bixiyey shalay in la eryo diblomaasiyiintaasi u dhalatay Ruushka taasoo jawaab u ah wax uu ku tilmaamay bahdilka ay xukuumadda Ruushku ku hayso saraakiil Maraykan ah iyo arrimihii weerarka xagga Internetka ee xilligii ay doorashadu socotay.

Mr Obama ayaa ku tilmaamay tallaabadaas inay tahay jawaab ku haboon juhdiga ay Ruushku galiyeen inay ku waxyeelleeyaan danaha Maraykanka.

Laba dhisme oo Ruushku leeyahay ayaa la xiray, waxaana xayiraad la saari doonaa shakhsiyaad la magac dhebey.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Heerkii ugu hooseeyey ayuu gaaray xiriirka Maraykanka iyo Ruushka

Waaxda arrimaha dibadda ayaa ku dhawaaqday in 35 diblomaasi oo Ruush ah dalka laga eryey, kuwaasoo ka hawl galayey safaaradda Ruushka ee Washington iyo qunsuliyadda Ruushka ee San Francisco, waxaana iyaga iyo qoysaskooda loo qabtay inay 72 saacadood uga baxaan Maraykanka.

Talaabooyin kale oo dheeraad ah ayuu sheegay Mr Obama inay xigi doonaan, kuwaasoo aan dhamaantood la shaacin.

Afhayeen u hadlay Kremlin-ka ayaa xayiraadaha ku tilmaamay kuwo aan sharci ku fadhin, wuxuuna intaa ku daray in madaxweyne Vladimir Putin uu ka baaraan degayo inuu qaado tallaabooyin kuwaas la mid ah.