Britain oo iska fogeysay dhaliishii Kerry ee Isra'iil

Afhayeen u hadashay ra'iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa sheegtay inysan Isra'iil aysan mudnayen dhaliishaasi
Image caption Afhayeen u hadashay ra'iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa sheegtay inysan Isra'iil aysan mudnayen dhaliishaasi

Dowladda Britain ayaa iska fogeysay khudbaddii uu xoghayaha arrimaha dibedda Maryeknka John Kerry, ku dhaliilay Israa'iil horraantii isbuucan.

Khudbadaasi oo uu jeediyaay Arbacadii ayuu Kerry ku eedeeyay dowladda ra'iisalwasaare Benjamin Netanyahu inay cuuryaamineyso hanaanka nabadda ee bariga dhexe.

Israel oo Kerry ku eedaysay in uu Falastiin u xagliyey

Afhayeen u hadashay ra'iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa sheegtay in inkastoo Birtain aysan la dhacsanayn deegaameynta ay Isra'iil ka waddo deegaannada ay Falastiiniyiintu leeyihiin, haddana aysan ahayn mid habboon in weerar afka ah lagu qaado dowlad nidaam dimuqraadi ah lagu soo doortay misana xulafo dhaw ah.

Ra'iisalwasaaraha Israel, Benjamin Netenyahu, ayaa cambaareeyey hadalkaasi uu jeediyey xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka, John Kerry, kuna tilmaamay mid eex ah oo aad u dhaliilayey dalkiisa.

Wuxuu sheegay in Kerry si talax tag ah diiradda u saaray deegaamaynta Israel laakiin se aanu waxba ka odhan gardarrada iyo xasaradda Falastiiniyiinta.

Kerry wuxu hadalkiisa kaga digay deegaamaynta Yuhuudda oo uu sheegay in ay carqaladaynayso suurtagelnimada xal laba dawladood oo ay yeeshaan Falastiiniyiinta iyo Yuhuuddu.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan