Nkurunziza: Waxaa laga yaabaa inaan mar kale doorashada u tartamo

bbc
Image caption Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza.

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa bidhaamiyay inay suurtagal tahay inuu u tartamo markale madaxtinnimada dalkaasi haddii dastuurka lagu sameeyo isbadel tallaabdaasi saamixi kara.

Go'aanka uu mar seddaxaad ugu tartamay doorashadii sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay rabshado ay boqolaal qof ku dhinteen.

Mr Nkurunziza ayaa markaasi sheegay inuu xilka ka dagi doono sanadda 2020 marka ay dalka doorashooyin ka dhacaan.

Balse maanta oo Jimco ah ayaa madaxweynaha waxa uu shaaca ka qaaday inuu mar kale u tartami doono xilka ugu sareeya dalka haddii shacabku ay sidaa ka dalbadaan.

Wuxuu ku dooday in si aan munaasab ahayn diiradda loo saaray xadiditaanka muddo-xileedka madaxweynaha.