Xal ma loo heli karaa deegaameynta Yuhuuda?

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Falastiiniyiintu waxay dalbanayaan joojinta dhamaan dhismayaasha ka hor inta aan heshiis la gaarin

Xaaladda deegaamaynta Yuhuuda ee Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus waxay muddo dheer ahayd ubucda khilaafka u dhaxeeya Israel iyo badi beesha caalamka, oo uu ku jiro isbahaysigeeda ugu wayn oo ah Mareykanka.

Maxay yihiin deegaamayntu?

Deegaameyntu waa goobo dad la dajiyey oo Isra'iil ka sameysay deegaamadda ay ku qabsatay dagaaladdii ka dhacay Bariga Dhexe 1967.

Waxaa ka mid ah deegaamaddaas Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Buuraleyda Golan Heights. Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus waxaa horey u haystay Jordan tan iyo dagaalkii 1948-49 ee Carabta Isra'il.

Sida laga soo xigtay kooxda Isra'il ee ka biyo diidsan deegaamanaynta Yuhuuda ee lagu magacaabo Hadda Nabad (Peace Now), waxay sheegeen in 131 deegaanno ay ka jiraan Daanta Galbeed oo ay ku jiraan 385 kun oo Yuhuuda Isra'il ee la dajiyey waxaa kale oo jira 97 goobo kuwaasi oo la dhisay iyadoon la haysan wax ogolaansho ah.

Kooxdu waxay sheegtay in 12 deegaanno ku yaal Bariga Qudus ay degan yihiin 200,000 oo deegaanley ah.

Israel waxay kaloo ka hirgalisay deegaanno Marinka Gaza oo ay ka qabsatay Masar intii lagu jiray dagaalkii 1967-dii, laakiin waxay burburisay markii ay halkaas ka baxday sanadkii 2005-tii.

Si la mid ah waxay deegaamayn ka sameysay Gacanka Siinaay oo sidoo kale ay ka qabsatay Masar 1967-dii, waxayse qaaday deegaamayntaas 1982-dii taas oo qayb ka ahayd heshiiskii nabadda ee ay la gaartay Qaahira.

Waxaa kale oo jira tobonaan deegaanno ka jira buuralayda la haysto ee Golan Heights , oo ay ka qabsatay Suuriya dagaalkii dhacay 1967-dii.

Goobaha deegaameynta waxay ka dhisan yihiin 2% Daanta Galbeed, laakiin dadka dhaliila waxay leeyihiin dhulka waxaa maamula kooxaha u olaleeya deegaamaynta sida dhulka beeraha iyo goobo kale badan waxaana uu u baahan yahay in ciidammo joogaan.

Deegaanlaydu waxay iyagu qudhoodu doorteen in ay ku noolaadaan goobahaas sababo badan awgood dhaqaale ahaan, inay dhiirigalisay dhaqaalaha ay ka helaan dowlada, sababo diimeed oo ay ka mid tahay in in ALLE uu dhulkaas siiyey dadka Yuhuuda.

Maxay u sii socdaan deegaamayntu?

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waxaa jira goobo deegaamayn ah oo sharci daro ah oo ka dhisan Daanta Galbeed

Arinta dhacday ayaa ah in deegaamayntu ay xaqiijisay noqoshada udub dhexaadka arrimaha u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Israa'iliyiinta, muranka ku saabsannna uu sababay burburka wareegyo wadahadallo nabadeed tiro ka dhawr jeer.

Falastiiniyiintu waxay leeyihiin joogitaanka dadka la dajiyey Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus oo ah dhulka ay doonayaan in uu noqonayo dalkooda mustaqbalka uu qayb ka qaadanayo in suurtagal dhulkaas u noqon karin.

Waxay dalbanayaan in Isra'il joojiso dhamaan hawlaha deegaameynta taasi oo ah shuruudda inay dib u bilowdaan wadahadaladda Nabadda.

Isra'il waxay leedahay Falastiniyiintu waxay u adeegsanayaan arrinkan marmarsiiyo ay uga meermeerayaan wadadallo toos ah, waxay leeyihiin deegaamanyntu in aanay u ahayn si dhab ah caqabadda nabadda iyo wadaxaajoodka.

Sida uu qabo heshiiskii Isra'il iyo Falastiin ee sanadkii 1993-kii lagu saxiixay magaalada Oslo arrinta deegaamaynta waxaa laga dhigay mid ku jirta xagga dambe illaa inta laga gaarayo wadahadalka ugu dambeeya, waana taas sababata Isra'il uga biyo diido shuruudaha horudhaca ah iyo qaraaradda Qaramada Midoobay ee arinkaasi ku aadan.

Maxaa Qudus ka dhigay xaalad gaar ah?

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Israel uma taqaan deegaamadda sida Har Homa oo ku taal Bariga Qudus deegaamayn

Xitaa haddii laga gaaro heshiis deegaameynta Daanta Galbeed arinka deegaamaynta Bariga Qudus waa qodxo wali taagan.

Isra'il waxay u tixgalisaa Bariga Qudus dhul ay leedahay, caasimad muqadas ah, umana arkaan dhul ay haystaan, waxaa taas sii dheer xaafaddaha Yuhuuda uma aragto dhul dadkaasi la dajiyey. Israel waxay qabsatay Bariga Qudus sanadkii 1980, talaabadaas aduunku ma aqoonsan.

Inkastoo ay horey u aqbashay inay si ku meel gaar ah u joojiso deegaamanta iyo dhismaha ay ka wado Daanta Galbeed waxay laakiin diiday in si la mid ah ka fuliso Bariga Qudus.

Markaa ma heshiis ku aadan deegaamanaynta ma dhici karaa?

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Israel waxay burburisay deegaamaynta Gaza sabadkii 2005 oo ay halkaas ka baxday

Ma aha daruuri, inkastoo muuqaalkaas laga gudbi karin. Israa'iil ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay samaynta "tanaasulaad daran" nabadda awgeed, waxayna horay u muujiysay inay ka tanaasusho deegaameyntii sida in Siinay iyo Gaza, iyo afar goobood oo yaryar oo ku taal Daanta Galbeed sanadkii 2005.

Waxaa la isku raacay in laga wadaxaajoodo aayaha deegaamadda jira iyo Bariga Qudus mid ka mid ah wadahaladda rasmiga ah.

Isra'il waxay sheegtay in heshiis kasta oo kama dambays ay u qorshaysantahay inay ku sii haysato deegaamadda waa wayn ee dadka la dajiyey kuwaasi oo ku dhaw wixii ka horreeyey 1967-dii khadka xabad joojinta.

Go'aankaas oo u muuqday in uu ka helay ogolaansho Mareynanka xilligii uu xilka hayey madaxweynihii hore George W Bush, kaas oo waraaq uu u qoray Ra'islawasaare Ariel Sharon sanadkii 2004, uu ku sheegay in aanay ahayn "Waaqici" in la fisho bixitaan dhamaystiran Daanta Galbeed heshiis kama dambays ah oo nabadeed.

Sida ay xusayso ra'yi ururin la sameeyey bishii June 2016 43% dadka Isra'il waxay sheegeen inay taageeri lahaayeen in laga raro dhamaan dadka la dajiyey dhulalka deegaamaynta taasi oo ah qayb ka ah heshiis nabadeed oo lala gaaro Falastiiniyiinta, laakiin 46% dadkaas ayaa diidan in laga soo baxo.

Deegaamayntu ma sharci baa sharciga caalamiga aha?

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Israel & Qaramada Midoobay waxay dhawr mar isugu dhaceen arrimaha ku aadan deegaamaynta

Badi beesha caalamka oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay & maxkmadda caalamiga ah ee cadaaladda, waxay sheegeen in deegaamayntu tahay sharci daro.

Taasi waxaa saldhig u ah qodobka afaraad ee xeerka Geneva ee 1949 kaas oo mamnuucaya isu gudbinta dal haysta dhul uu u gudbiyo dadkiisa dhulkaas.

Laakiin Israel waxay leedahay xeerka afaraad ee Geneva ma saamaynayo lahaanshaha Daanta Galbeed, iyadoo ku doodaysa in dhulkaasi aanu farsamo ahaan ahayn dhul la haysto.

Waxay kaloo leedahay in ay sharci halkaasi u joogtaa taasi oo sabab ah difaac dagaal, isla markaana dhulkaasi aanay ka qabsan awood sharci ah.

Mareykanku wuxuu ku tilmaamay deegaamaynta "sharci daro" laakiin wuxuu ka laabtay in uu ugu yeero "sharci daro" tan iyo maamulkii Carter sanadkii 1980-kii.

Bishan December 2016, Golaha Amaanka Qaramada Midoobay qaraar uu soo saaray wuxuu ku sheegay in deegaamayntu tahay "mid aan haysan shari rasmi ah", sii wadida arinkaasna uu ka horimaaayo xeerka caalamiga ah,