Israa’iil oo digniin dhanka socdaalka ah ka soo saartay Hindiya

isra'iil oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Hindiya. Lahaanshaha sawirka Image copyrightINDRANIL MUKHERJEE/AFP/GETTY IMAGES
Image caption isra'iil oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Hindiya.

Israa'iil ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Hindiya.

Digniintan ayaa lagu sheegay inay jiraan qatar amni oo dhici karta xilliyada lagu jiro feestooyinka sanadka cusub.

Israa'iil waxay intaasi raacisay in laga cabsi qabo inay weeraro argagaxiso ah ka dhacaan dalkaasi Hindiya.

Gaar ahaan waxaa farta lagu fiiqay in deegaanada koonfur galbeed Hindiya ay falal amni xumo dhici karaan.

Haweeney Amerikaan oo lagu "kufsaday" Hindiya

Pakistan oo mamnuucday isticmaalka warbaahinta Hindiya

Sawirro arooskii ugu qaalisanaa Hindiya ee sanadka oo dhamaaday

Goobaha la weerari karo ayaa ka mid ah, xafladaha xeebaha ka dhaca iyo kalaabyada lagu caweeyo.

Waxaa sidoo kale qatar ah ayaa la yiri, suuqyada iyo xarumaha ganacsiga ee mashquulka badan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan