Cod loo qaadayo qaraarka Ruushka ee xabad joojinta Suuriya

Xalab ayaa ahayd magaalada dagaallada ugu ba'ani ka socdeen Lahaanshaha sawirka Science Photo Library
Image caption Xalab ayaa ahayd magaalada dagaallada ugu ba'ani ka socdeen

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee sabtida cod u qaadi doono qaraarka Ruushka ee xabbad joojinta Suuriya.

Warbixintan qoraalka ah ayaa sidoo kale ku baaqaysa in si degdeg ah kaalmo gargaar oo bini'aadanimo ah loo gaarsiiyo dhamaan dalka Suuriya.

Dhanka kale, Jabhadda Nusra ayaa cambaaraysay xabad joojinta dhowaanta laga gaaray colaadda dalka Suuriya.

Jabhadan Nusra ayaa lagu tilmaamaa inay xiriir la leedahay ururka Al-Qacida.

Waxay jabhadu sheegtay inay sii wadayso dagaalka ay kula jirto xukuumada Bashar Al-Asad.

UN oo amaantay xabbad joojinta Suuriya

Dagaalka Xalab oo dhamaaday

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Xalab, dagaalka ka hor iyo ka dib

Dowlada Suuriya oo iyana dhinaceeda hadashay ayaa jabhadan ku tilmaamtay inaysan qeyb ka ahayn xabad joojinta.

Heshiiska la gaaray ayaa dhaqan galay, waxaana ka soo shaqeeyey dowladaha Ruushka iyo Turkiga.

Waxaa sidoo kale la filayaa in heshiiskan xabad joojinta uu ogolaado golaha amaanka ee Qaramada Midoobay

Dalka Suuriya waxaa mudo sanado ah ka socday, dagaal sokeeye oo ay ku lug leeyihiin jabhada kala duwan iyo wadamo kala taageersan dhinacyada is haya.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan