Mo Farax oo lagu daray diiwaanka dadka la sharfay sanadka cusub

Lahaanshaha sawirka Getty/PA
Image caption Andy Murray, Mo Farah, Lee Pearson, Jessica Ennis-Hill iyo Katherine Grainger oo dhammaan la sharfay

Mo Farax ayaa ku guuleystay bilado badan oo dahab ah kuwaas ayaana sabab u ah in lagu daro diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay.

Mo Faarax oo ku guuleystay 10-ka kun ee mitir

Waa riyo u rumowday Mo Farax oo uu doonayay muddo, sida ay sheegayaan dadka ku dhow.

Image caption biladaha uu ku guuleystay Mo Farax

Mo Farax oo 33 sano jir ah, wuxuu helay laba billadood oo dahab ah oo isku xiga tartankii Rio, taas oo ahayd guushiisii afaraad ee dahabka.

Wuxuu noqday qofka labaad ee keli ah ee dahab ka qaata tartamada Olimbikada ee 5,000m iyo 10,000m.

In la sharfo waxay uga dhigan tahay inuu safarkii dheeraa ee uu u maray uu soo afjaray Mor Farax.

Orod yahankan ayaa asigoo sideed sano jir ah galay dalka Britain, wuxuuna ka tagay Soomaaliya.

"Dibu milicsiga wiilkii yaraa ee Soomaaliya ka yimi ee halkan imaaday, kaas oo aan erey English ah aqoon, ma saadaalin karin lahayd inaan maanta meeshaan joogaayo. Waa riyo rumowday," ayuu yiri Mo Farax.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Filim ku saabsan Mo Faraax oo dhawaan soo baxaya

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan