"Ururka Dawladda Islaamka" oo sheegtay weerarkii Turkiga

Booliiska Turkiga ayaa wali baadi goobaya qofkii weerarka ka dambeeyay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Booliiska Turkiga ayaa wali baadi goobaya qofkii weerarka ka dambeeyay

Ururka la baxay Dowladda Islaamka ayaa sheegay inuu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday goob lagu caweeyo Turkiga.

Ilaa haatan waxaa la xaqiijiyay in 39 ruux ay ku dhinteen weerarkaasi.

Ururka Dowladda Islaamka ayaa sheegay in weerarka uu gaystay "askeri halyey ah"

Qofka rasaasta gaystay ayaa ammin hore oo Axaddii ah rasaas ku furay ugu yaraan 600 oo ruux oo ku caweynayay goob loogu dabbaaldegayay sanadka cusub.

Ururka Dowladda Islaamka ayaa horey loogu eedeeyay weerarro kale oo ka dhacay Turkiga.

Waxaa soo baxay faafaahin dheeri ah oo la xiriirta ninka weerarka gaystay.

Daacish oo "gubtay" laba askeri oo Turki ah

Turkiga iyo Israa’iil oo heshiiyay

Waxaa la sheegayaa inuu baabuur taksi ah ka soo degay oo uu qori la soo baxay, markii dambana uu dharka iska baddelay ka dibna baxsaday.

Mas'uuliyiinta Turkiga ayaa weli baadigoobaya ninka weerarka gaystay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay "inuu filayo in ninkan dhawaan la soo qaban doono".