Kolombiya oo soo badbaadisay carruur la askareeyay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hawlgalka waxaa fuliyay ciidammo khaas ah oo Millatariga ka tirsan

Wasaaradda difaaca ee dalka Kolombiya ayaa sheegtay in ay soo badbaadisay sideed ilmood oo ay askareeyeen Jabhadda dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah wada ee National Liberation Army.

Kooxdan aan qaangaarka ahayn ayaa la helay intii uu socday hawlgal ay ciidammada Komolbiya ka wadeen gobollada fog ee waqooyiga ku yaalla.

Isla hawlgalkaas waxaa kale oo lagu soo qabtay ugu yaraan labo iyo toban dagaalameyaal oo ka tirsan jabhadda.

Waxaa sidoo kale laga soo furtay hub iyo saanad milatari.

Jabhadda National Liberation Army ayaa dawladda Kolombiya la dagaalamaysa in kabadan 50 sano.

Wadahadallo nabadeed oo socday ayaana burburay bishii tobnaaad ee sanadkii hore ka dib markii Jabhaduhu ay ku guuldaraysteen in ay sii daayaan nin horay xubin uga ahaa baarlamaanka ama aqalka congress-ka ay afduub u haystaan.

Waxaa jira iskuday kale oo lagu doonayo in wadahadallo cusub lagu qabto dalka ay dariska yihiin ee Ekwadhor bishan gudaheeda.