Faransiiska oo sheegay in ay ka faaa'iideen dagaalka ay Ciraaq ka wadaan

Faransiisku waa dalka labaad ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya weerarka duqaymaha cirka ah ee ka dhanka ah kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Faransiisku waa dalka labaad ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya weerarka duqaymaha cirka ah ee ka dhanka ah kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka

Madaxweynaha Faransiiska Francoise Hollande ayaa la kulmay ciidankiisa ku sugan Ciraaq wuxuuna u sheegay in dagaalka ka dhanka ah ururka Dowladda Islaamka ee ay Ciraaq ka wadaan in uu gacan ka gaystay ka hortagidda weerarro argagixiso oo dalkooda ka dhici lahaa.

Hollande ayaa la filayaa in la dagaallanka ururka isugu yeera Dowladda Islaamka uu kala hadlo madaxda Ciraq.

Waa madaxwaynihii ugu magac waynaa ee booqda dalka Ciraaq tan iyo markii ay duqaymaha diyaaradaha dalkaas ka billaabeen xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ee lixdanka dal ka kooban.

Wasaaradda difaaca ee Faransiiska ayaa sheegtay in diyarahooda ay duqeeyeen 1,700 bartilmaameed tan iyo markii ay ku bireen dagaalka ka dhanka ah ururka Dowladda Islaamka.

Waxaa gudaha dalka Ciraq haatan ku sugan ilaa 500 oo askeri oo Faransiis ah.

Waxaa la aaminsan yahay in ciidanka gaarka ee Faransiiska ay qeyb ka yihiin dadaalka lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Mosul.

Hollande ayaa la filayaa inuu la kulmo Ra'iisalwasaaraha Ciraq Haidar Al-Cabaadi iyo guddoomiyaha baarlamaanka Salim Al-Jaburi.