Rabsho ka dhacday xabsi ku yaalla Brazil oo 56 ay ku dhinteen

REhellada maxaabiista oo ku sugan duleedka xabsiga oo sugaya xog in la siiyo Lahaanshaha sawirka AP
Image caption REhellada maxaabiista oo ku sugan duleedka xabsiga oo sugaya xog in la siiyo

Saraakiisha dalka Brazil waxay sheegayaan in 56 maxbuus ay ku dhinteen dagaal ka dhacay xabsi dhexdiisa.

Rabshada ayaa ka dhacday xabsi lagu magacaabo Anisio Jobim oo ku yaalla magaalada Manaus ee gobolka Amazonas.

Dagaalka ayaa bilowday Axaddii, balse wuxuu dhammaaday 17 saacadood ka dib markii maxaabiista ay dib isu dhiibeen.

Sawirrada indhaha soo jiitay ee Olimbiga

Madaxweynaha Brazil oo lagu eedeeyay musuqmaasuq

Qaar ka mid ah kuwa dhintay, waa la jarjaray, kuwana waa la gubay, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.

Image caption Meesha uu ku yaallo xbsiga

Masuuliyiinta xabsiga waxay sheegayaan in koox burcad ah oo ka howlgasha gudaha iyo dibadda xabsiga ay isku deyeen inay awoodda iyo maamulka la wareegaan.

Xubnaha kooxdaasi ayaanan lagu xirin dhammaan xabsiyada kale ee dalkaasi.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Nawaaxiga uu ku yaallo xabsiga ayaa la cidleeyay waxaana ku sugan ciidamada oo keli ah
Lahaanshaha sawirka AFP/SESIP/HANDOUT
Image caption Sawir muujinaya dhismaha xabsiga ay maxaabiiska ku dhinteen

Wasiirka cadaaladda ee Brazil ayaa u duulay Manaus, si uu ugala hadlo in xabsiyada kale la geeyo xubnaha burcadda ee halkaas ku xiran.

Tiro maxaabiis oo baxsatay intii rabshada ay socotay ayaa dib loo soo qabtay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan