Spain oo qabatay qof tahriib ahaa oo lagu qariyay boorso

  • 3 Jannaayo 2017
Booliska Spain ee ku sugan Ceuta ayaa sawirkan baahiyay Axadii Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Booliska Spain ee ku sugan Ceuta ayaa sawirkan baahiyay Axadii

Booliska dalka Spain ayaa xiray laba qof oo u dhashay dalka Moroko, kuwaas oo lagu eedeeyay inay isku deyeen in ay dad si sharcidaro ah ku geliyaan dalkaasi.

Waxaa lagu qabtay ayagoo wado seddax qof oo labo ay ku qariyeen kuraasta gawaarida hoostooda iyo mid lagu xiray boorso.

Dadkaasi ayaa laga gudbinaayay dhanka Waqooyiga Afrika.

UNHCR: Tirada dhimashada tahriibayaasha sare ayey u kacday

Masar oo xirtay dhaqaatiir ka ganacsada xubnaha jirka

Booliska Talyaaniga oo “jirdilay” tahriibayaal

Booliska oo Isniintii isku deyay inay baaraan gaari, ayaa waxay ka heleen qof lagu qariyay muraayadda hoosteeda, qof kaloo la geliyay kursiga dambe hoostiisa oo gud laga dhigay.

Laba qof oo dumar iyo rag kala ahaa oo loo maleynaayo inay dalka Guinea kasoo jeedaan ayaa gargaar degdeg ah loo sameeyay, maadaama uu neefsiga ku yaraa.

Dhacdo taa ka duwan, wiil yar oo Afrikaan ah ayaa laga dhex helay boorso qof dumar ah ay lahayd. Dhacdo tan la mid ah ayaa la arkay 30-kii december.

Waxaa loo maleynayaa in wiilkan uu ka soo jeedo dalka Gabon, waxaana loo sameeyay daaweyn degdeg ah.

Gabar lagu sheegay inay 22-sano jir tahay oo u dhalatay Moroko, ayaa isku deyday inay si qarsoodi ah ku geliso Ceuta, laakiin laanta socdaalka ayaa ku amray inay furto boorsada oo ku xirneyd gaari-gacan.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Tahriibi lagu dhex qariyay muraayadda gaariga hoosteeda (Laanta ilaalinta rayidka ee Spain ayaa qaaday sawirka)
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Kursiga dambe ee gaariga oo laga saaray wixii ku jiray si tahriibe loogu qariyo.

Xuduudda Spain iyo Moroko ayaa waxaa ka taagan qalalaase ka dib markii muhaajiriin Afrikaan ah ay isku deyeen inay xoog uga gudbaan.

Illaa 50 askeri Moroko ah iyo shan Spanish ah ayaa dhaawacmay ka dib markii 1,100 tahriibayaal ay isku deyeen inay xeyndaabka dumiyaan Axaddii.

Midkoodna umeysan suuragalin inuu ka gudbo halkaas, balse labo qof oo ka mid ah ayaa dhaawacantay waxaana loo qaaday cisbitaal ku yaalla Ceuta.

Intay rabshada socotay, mid ka mid ah ilaalada ayaa ishiisa ku waayay, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.

Tahriibayaal badda lagu la' yahay

Tirada tahriibayaasha ku dhintay badda

Dhacdo taas oo 9-kii december ka dhacday xuduuda waxaa ku lu lahaa ilaa 400 oo tahriibayaal Afrikaan ah.

Dalka Moroko waxaa ku sugan dad badan oo ka tahriibay dalalka saxaaraha ka hooseeya ee Afrika, kuwaas oo doonaya inay u gudbaan Yurub.

Image caption Maabka Spain iyo Moroko oo muujinaya meesha ay ku taallo Ceuta iyo Melilla

Tahriibayaasha isku deya inay halkaasi ka gudbaan ayaa la qabtaa, waxaana dib loogu celiyaa Moroko, ka dibna waxaa lagu sii celiyaa dalalka ay markii hore ka tahriibeen.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan