Myanmar: 'wax caddayn ah looma hayo' in la xasuuqay Muslimiinta Rohingya

Rohingya Muslims have been trying to flee into Bangladesh to escape the violence Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka qawmiyadda Rohingya ayaa

Guddi ay dawladda Myanmar samaysay ayaan ilaa iyo hadda wax caddaymo ah u helin in xasuuq loo gaystay qawmiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah ee ku sugan gobolka Rakhine.

Warbixin horudhac ah oo ay soo saareen ayay ayuu guddigu ku sheegay in aan caddaym ku fillan loo haynin eedaymaha sheegaya in kufsi baahsan la gaystay.

Ma aysan sooo hadal qaadin eedaymaha sheegaya in laamaha ammaanku ay dadka laynayaan.

Amnesty oo ka dayrisay tacaddiyada lagu hayo Muslimiinta Rohingya

Xoghayihii horee Qaramada Midoobay oo booqanaya Myanmar

Dadka haysta abaalmarinta Nobel oo ku baaqay difaaca Rohingya

Waxaa jira eedaymo soo noqnoqday oo ku aadan in tacadiyo loo gaysanayo dadka qawmiyadda Rohingya tan iyo markii uu millatarigu gobolka Rakhine ka billaabay hawlgalka ka dhanka ah malayshiyada bishii tobnaad ee sanadkii hore.

Eedaymaha qaar waxay ficilka dawladda la simeen qawmiyad tirtirid, hogaamiyaha dalkaas Aung San Suu Kyi oo ku guulaysatay abaalmarinta nabadda Nobel ee caalamiga ahna waxay arrintan kala kulantay dhaliilo caalamka uga yimid.