Somalia: Carruur u dhimatay shuban
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baydhabo: Carruur u dhimatay shuban

Afar qof ayaa cudurka shubanka ugu dhintay siddeed iyo afartankii saac ee la soo dhaafay isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Tiro ka badan sagaashan qof oo uu sidoo kale soo ritay cudurka shubanka ayaa la dhigay isbitalkaasi toddobaadkii la soo dhaafay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan, ayaa taleefanka kula hadlay agaasimaha isbitalka Baydhabo Cabdifatax Ibrahim Xaashi, waxa uuna marka hore weydiiyay xaaladda shubanka ee isbitaalka.

Mowduucyada la xiriira