Tagaasida in la wadaago waxay yarayn kartaa saxmadda jidadka, ayay sheegtay daraasada MIT

NYC taxis Lahaanshaha sawirka Thinkstock
Image caption In la wadaagao tagaasida ayaa yarayn karta baabuurta jidka

Tagaasida in la wadaago ayaa yarayn karta tirada baabuurta jidka maraysa 75%, ayay sheegtay daraasaad.

Daraasada Massachusetts Institute of Technology (MIT) ayaa heshay in 3,000 oo taxi oo ay saaran yihiin afar qof inay qaban karaan shaqada ay qabtaan 13,000 tagaasida magaalada New York.

Laakiin macnaheedu wuxuu yahay in dadaka ay tagsi la raacaan dad aysan aqoon.

Daraasada ayaa ku salaysnayd xog saddex milyan oo qof oo raacay tagsi.

Dadka ku xeel dheer mustaqbalka magaalooyinka ayaa isku raacay in loo baahan yahay in wax laga qabto saxmadda jidadka.

Daraasaadyo ayaa sheegaya in caalamka dadka ay qasaariyaan 7 bilyan oo saacadood sanad walba inay ku go'doomaan saxmadda waddooyinka, saamaynta ay deegaanka ku leedahay baabuurtana way badan tahay, iyadoo baauurta saxmadda ku jira ay gubaan 3 bilyan oo gallon oo batrool ah

Lahaanshaha sawirka MIT
Image caption Naqshad ay samaysay MIT oo tagaasida ay maryaan meelaha looga baahan yahay

"Intaad qaadi lahayd qof markiiba, darawaliinta ayaa qaadi kara laba ama afar qof markiiba, taasoo keenaysa in la yareeyo waditaanka iyo waqtiga lana sameeyo lacag isku mid ah," ayay sheegtay Prof Daniela Rus oo ka tirsan MIT kuliyadeeda Computer Science and Artificial Intelligence Lab.

Kooxda samaysay daraasada ayaa soo saartay naqshad jidadka ee ay darawalada mari karaan, oo ku salaysan meelaha tagaasida looga baahan yahay.

"Habkan ayaa u ogolaanaya darawaliinta inay shaqeeyaan waqti gaaban, iyagoo aan sababin saxmad badan jidka, hawo nadiif ah iyo safar aan lahayn dhib," ayay sheegtay Prof Rus.

Habkan ayaa ku fiicnaan kara gaar ahaan baabuurta kaligood is kaxeeya, ayay intaas ku dartay.