Boqol maxbuus oo ka baxsatay xabsi ku yaalla Philippine

Maxaabiista ayaa hadda la raadinaayaa
Image caption Maxaabiista ayaa hadda la raadinaayaa

In ka badan 100 maxaabiis ah ayaa ka fakatay xabsi ku yaalla dalka Philippine.

Maxaabiista ayaa xabsiga dumiyay saaka ka dibna way baxsadeen, sida maamulka ay sheegayaan.

Xabsiga ayaa ku yaallo magaalo lagu magacaabo Kidapawan.

Wararka hor dhaca ah waxay sheegayaan in xabsiga ay weerareen koox muslimiin ah oo dagaal kula jira dowladda.

Madaxwaynaha Filibiin oo qirtay "in uu horay dad gacantiisa ugu laayay"

Madaxweynaha Philippine: Dad aan musuq ku tuhmay ayaan diyaarad ka soo tuuray

Abu Sayyaf oo lagu eedeeyay Qaraxa bamka ee Philippines

Kooxda ayaa la sheegayaa inay dileen hal askeri iyo hal maxbuus, ka dib weerarkaasi oo lagu qaaday xabsiga Cotabato.

Askarta iyo booliska ayaa raadinaya maxaabiista baxsatay.

Magaalada Kidapawan waxay ku taallaa gobolka Mindanao, halkaas oo ay ka howlgalaan mucaaradka Muslimiinta ah.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan