Askeri Israa'iili ah oo lagu oogay dacwad ku saabsan dilka qof Falastiini ah

Kiiska waxaa loo haystaa askeriga dhanka midig ka muuqdo, taas oo dadka Yahuuda ay ku kala aragti duwan yihiin. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kiiska waxaa loo haystaa askeriga dhanka midig ka muuqdo, taas oo dadka Yahuuda ay ku kala aragti duwan yihiin.

Maxkamad Militari oo Israa'iil ah ayaa la filayaa inay go'aan ka gaarto kiiska askeri lagu dacweeyay inuu si ula kac ah u dilay qof Falastiini oo dhaawac ahaa, kaas oo askeri kale mindi galiyay.

Elor Azaria, oo hadda 20 sano jir ah, wuxuu toogtay Cabdul Fatax al-Sharif, oo 21 sano jir ahaa. Wuxuu xabadda kaga dhuftay madaxa.

Arrintan ayaa bisihii Maarso ee sanadkii tagay ka dhacday deegaanka Hebron ee daanta Galbeed.

Falastiini lagu toogtay daanta galbeed

Maxkamadda ICC oo booqaneysa Israa'iil iyo Falastiin

UN oo dalbaneysa in la joojiyo deegaameynta Israa'iil

Dadka Israa'iil ayaa aragti ahaan ku kala duwan kiiskan lagu oogay askeriga.

Kuwa badan waxay ku doodayaan in askeriga lagu ciqaabo inuu ku xad gudbay xeerka anshaxa militariga. Halka kuwa kalena ay ku doodayaan in ficilkii uu sameeyay qiil loo hayo.

Toogashada ayaa dhacday xilli weerarro middiyo loo adeegsaday oo badan ay ka dhaceen Daanta Galbeed.

Kooxaha arrimaha xuquuqda aadanaha ka shaqeeya ee Falastiin iyo Israa'iil waxay sheegayaan inay iska cadahay in awood xad dhaaf ah ay ciidammada adeegsadeen.

Xal ma loo heli karaa deegaameynta Yuhuuda?

Netanyahu oo hakiyay qorshe cod loogu qaadi lahaa deegaamaynta bariga Qudus

Waxay askeriga ku eedeynayaan inuu fuliyay dil sharciga ka baxsan.

Sharif iyo Qofkale oo Falastiini ahaa, Ramzi Caziz al-Qasrawi, waxaa lagu eedeeyay inay askeri Israa'iili ah mindi galiyeen 24-kii Maarso.

Markaasi ka dib askarta waxay toogteen labaduba, Qasrawi ayaa isla goobta ku dhintay, Sharif na wuu dhaawacmay.

Muuqaal la baahiyay ayaa muujiyay Sharif oo nool. Askeriga lagu sheegay magaciisa Azaria, ayaa ka dib qorigiisa cabeystay wuxuuna toogtay Shariif.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sawir laga dhex qaaday muuqaalkii la baahiyay ee muujinayay Sharif oo dhaawac ah

Muddo ka dib, Askeriga, Azaria, wuxuu maxkamadda militariga ee Israa'iil u sheegay in Shariif uu u dhowaa middida uu u adeegsaday weerarka.

Wuxuu intaas ku daray inuu ka baqay in wiilkaa Falastiiniga ahaa uu xirnaa jaakad qaraxda.

Balse, muuqaal kale ayaa muujiyay in middida la sheegay inuu Sharif watay ay u jirtay illaa hal mitir.

Israel 'ayaa ansixisay 464 guryo oo laga dhisayo Daanta Galbeed'

Israa'iil oo dardar galisay sharciyaynta guryaha dhulka lahaysto ee Daanta Galbeed

Sikastaba, baaritaanka militariga ayaa la sheegayaa in lagu ogaaday in ka hor intuusan xabadda furin Azaria, uu u sheegay saaxiibadiis in ninka dhaawaca ahaa uu "u qalmo inuu dhinto" maadaama uu middi ku duray saaxiibkiis.

Askerigan wuxuu wajihi karaa 20 sano oo xabsi ah, laakiin dad ku dhow maxkamadda waxay sheegayaan in afar illaa shan sano loo maleynaayo in lagu xukumidoono.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan