Saamaynta xayiraada xoolaha Soomaalida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saamaynta xayiraada xoolaha Soomaalida

Shir balaaran oo ay ka soo qayb galeen ganacsatada xoolaha dhoofisa, dhakhaatiirta maxjarada caafimaadka xoolaha lagu baaro ee Berbera iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa waxaa lagaga hadlay saameynta xayiraadii uu Sacuudigu saaray xoolaha Soomaalida.

Waxaa socda dadaalo la samaynayo si dib loogu furo sayladda xoolaha ee ugu weyn ee Sacuudi Carabiya.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xayiraada laga qaado xoolaha isagoo sheegay in hay'ado caalami ahi u markhaati fureen hadda in xoolaha Soomaalida caafimaad qabaan.

Wariyaha BBC ee Hargeysa AxmadSaciid Cige ayaa wareystay wasiirka.

Mowduucyada la xiriira